Sawirle: Janerik henriksson/Scanpix
Caafimaadka

Faraqa goobaha waayeelka

Ma jiro wax faraq ah oo u dhaxeeya kuwaalatiga gargaarka caafimaadka ah ee laga helo goobaha caafimaadka ee gaarka loo looyahay iyo kuwa gaarka loo leeyahay, sidaas waxa warbixin cusub ku sheegay xafiiska bulshada.

Balse waxa jira faraq u dhaxeeya weynida goobaahaas, waayeelka ku nool meelaha xanaanada ee dad kooban wada degenyiin ay ka fiicantay goobaha ay waayeel badani wada degen yiin.

Waxay ahayd dhamaadkii bishii December markii ay timid fadeexadii ku dhacday shirkada gaarka loo leeyahay ee ( Carema) oo ah shirkad gaar loo leeyahay, taaso sababtay in ay dawladu u saarto qaar ka mida hayadaha dawliga ah in ay baadhitaan ku sameeyaan xaalada waayeelka ku nool goobaaha lagu xanaaneeyo.

Xafiiska bulshada ayaa sido kale sheegay in loo baahanyey macluumaad qaran oo la xidhiidha sidii loo wanaajin lahaa tayada goobahaas.

kasim.abdulkadir@sr.se

TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".