Dacwad

Gabadh guri loo diiday iyo dacwad

Hayada ka hortaga cunsuriyada ee Diskrimineringsombudsmannen ayaa dacweeyey shirkad guryaha ijaarta kadib markii ay u diideen in ay ka ijaaraan guri gabadh dhalaso ahaan ka soo jeeda (romer)

Gabadhan ayaa hore u saxeexday kontaraaga guriga ay shirkaadaasi kala noqotay intaanay u guuriin.

Sababta loogu diiday gabadhan guriga ayaa ah in deriska ama dadk isla cimaaradaas degani aanay rabin in ay daris la noqdaan gabadhan hore u saxeexday heshiiska ogolaanshaha degida gurigaas.

Hayada ka hortaga cunsuriyada ee Diskrimineringsombudsmannen ayaa ku doodaysa in gabadhan la siiyo mag dhaw gaadhaya 200 000 kr.

TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".