Wasiirka Jan Björklund. Sawirle: Janerik Henriksson/Scanpix.
Waxbarashada

koox loo saaray heerka tacliinta Iskuulada

Dawlada ayaa koox gaara u saartay sidii looga midho dhalin lahaa isbadalada lagu sameeyay iskuulaadka, waxa looga jeeda intee in leg ayey qaadanaysaa inta la helayo natiijo wacan oo ka soo baxda isbadaladaas.

Wasiirka tacliinta Jan Björklund ayaa raba in u arko natiijo muuqaata oo ah in baadhitaanadani keenan natiijo ka muuqata natiijada ardayda iskuulaadka dhigata iyo sidoo kale in ay ka muuqato tira koobyada ay hayadaha dawliga ahi sameeyaan ee qaranka inyo kuwa dalka dibadiisaba, wasiirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la ogaado in isbadaalada lagu sameeyay iskuuladka ay dhalisay midhiihi loogu tala galay in ay dhaliso.

- Goorma la arkayaa natiijada, taasa ah mid muhiima in la ogaado, ayuu sheegay wasiir Jan Björklund.

Qaybo ka mida isbadalka iskuulka ayaa ahaa mid dhakhso u bilaabmay markii ay dawlada wadanka maamuusha ay ku guulaysatay doorashadii tartanka wadanka lix sanno ka hor.

Isbadalada ayaa waxa ka mid ahaa in ay macalimiintu ardayda aaladaha taleefoonada gacanta aanay ardaydu ku dhex isticmaaliin markay ku jiraan xiisadaha waxbarashada iskuulka.

Laakiin qaybo ka mida qorshayaashan ayaa mudo soo daba jiidanaya mudana qaatay, balse dayrtii qaybo kamid ahi hirgaleen.

Waxyaabaha badalka lagu sameeyay waxaa kamid ahaa in la badalay shahaadooyinka ardaydu qaataan oo nooc cusub loo sameeyay , sidoo kale koorasyo lagu soo daray waxbarashada oo cusub, qorsha cusub oo ka mid noda waxbarashada, iyo macalimiinta oo loo sameeyo aqoonsiga mucalinimo, taaso wali hirgalin oo wali hadalkeedu socdo.

Baadhitaankan cusub ayaa waxa hogaamin doona madaxii hore ee hayada iskuuladka Per Thullberg, waxaana ka mid ah hawsha loo diray in u soo ogaado natiijooyiinka iyo isbadalka ku yimid ilaa intee la sameeyay dadaalkan la rabay in kaalinta waxbarasho ee iskuulaadka kor loo qaado.

Arrinkan ayaa la filayaa in natiijada ka soo baxdaa ay noqon doonto mid saamayn weyn ku yeelan doonta tartanka saxada siyaasada iyo siyaasada la xidhiidha waxbarashada.

Doodaha ku saabsaan waxyaabaha hoos u dhaca ku keenay waxbarashada dalkan Sweden tobankii sanno ee ugu dambaysay ayaa ah mid wali socota oon la ogaan sababtaas.

Kasim.abdulkadir@sr.se

Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".