Daniel Gustavsson, waa askari ka xumaaday arrinkan ah in shaqada looga tagayo mushahar xumo, Sawirle: Mimi Billing/Sveriges Radio.
Difaaca

Askar shaqada uga taga mushahar xumo

Dadbadan oo ka hawlgala difaaca dalkan sweden ayaa shaqaooyinkooda uga taga mushar xumo darteed, ilaa lix boqol oo askari ayaa la filayaa in ay ka tagaan shaqooyinkaas.

- Waa wax aad u xun in ay dadku dhibsadaan arinkan, shaqadana ka tagaan , arrinkani wuxu xumaynayaa sumcadayada, waana wax aad u xun, laakiin wan fahansanay, mushahar xun , taaso sababi karta in ay shaqaale badani ka tagaan shaqadan ainkastoo ay rabaan in ay sii joogaan, ayuu sheegay , Daniel Gustavsson.

Maanta ayaa waxa jira tiro gaadhaysa 4 000 oo askari si buuxda u shaqaysaa kuwaaso u mushaharkoodu yahay 16 150 kronor bishiiba. Halka shaqaalaha tareenada fadhiya ee tigidhada gooya ay helaan mushahar kaa askarta ka sareeya 4000 oo karoon biishiiba.

Afartii bil ee sannadkan ugu horeeyay ayaa waxa shaqadan ka tagay 194 askari, siyaasiyiinta wasaarada diifaacuba walaac ayey ka muujiiyeen arrinkan.

Kasim.abdulkadir@sr.se

Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".