Billad la gudoonsiiyay qorshaha "ta med en vän". Sawirle: SR International

Qorshe lagu Guuleeystey: Saamiga Tijaabada Kaankarada Ilmogaleenka

Maalintii jimcada ee toddobaadkii ina dhaafay ayaa magaalada Göteborg ay ka dhacday xaflad uu ka qayb-galay wasiirka arrimmaha bulshada Göran Hägglund, middaasina oo bilad sharaf lagu gudoonsiiyey qaybihii kala duwanaa ee ka howl-galay qorshe socday muddo sannad ah looguna magac daray "ta med en vän". Qorshahaasina oo sal-dhiggiisu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa tirada haweenka ajaaniibta ku dhaqan nawaaxiga waqooyi-bari ee magaalada Göteborg, sidii ey isaga qaadi lahaayeen saamiga tijaabada cudurka kaankarada ee gala ilmo-galeenka ee afkan iswiidhishka lagu yiraahdo "Cellprov", sidaa waxaa sheegay Erik Olsson, kana mid ahaa labada ruux ee hogaamineeysey qorshahaa:

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".