Facerape waxa la yiraahdo oo soo batay

facerape
3:34 min

In uu qof galo facebook- qof kale lee yahay oo wax ku qoro waa arinta sharci daro waana denbi cinqaabeed oo hoostaga sharciga la yiraahdo "dataintrång" ama ku xadgudobka macluumadka computerka. Denbiyada noocaan ah ayaa ah kuwo aad u soo kordhaya. Lakiin dad badan oo aan la hadalnay ayaanba ka warqabin in ay sharci daro tahay oo la dacweyn karo arintaan looyaqaano facerape.

In la galo qof kale kontadiisa facebook oo lagu qoro bogiisa wax ay arki karaan dhamaan saaxiibadiis waxaa loo yaqaanaa "facerape" arintaan oo mid ku dhacday dad badan. Asbuucaan gudihiisa ayaa wiil 15 magalada Norrköping booliska lagu dacweeyey laguna eedeyey denbiga ah ku xad gudubka maclummadka computerka afswedhiska lagu dhaho dataintrång, kadib markii uu wiil ay iskuulka isla dhigtaan oo isku facyahiin adeegsaday magaciisa kuna qoray fartiimo been abuur ah. Anders Ahqvist oo ah qabiir IT kana howlgala Rikspolisstyrelsen ayaa sheegay in denbiyada noocaan ah sanooyinkii ugu danbeeyey soo badanayaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".