Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Folksam oo Iibineeysa Saamigeeda Shirkadda Shidaalka ee Lundin

La daabacay fredag 1 juni 2012 kl 09.48
Klicka för grafik: Bildt och Lundin Oil

Shirkadda ceeymiska ee Folksam ayaa go'aansatay iney dhammaan iibiso saamiga ay shirkaddu ku leedahay shirkadda shidaalka ee Lundin Oil. Folksam ayaa middaa sabab uga dhigtay in kulankii dhowaantan dhacay ee mulkiileyaasha waaweyn ee shirkaddu go'aamiyeen in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo howlaha ay shirkaddu ka qabatay waddammadda Suudaan iyo Itoobiya. Horey ayaa shirkadda Lundin Oil dhaleeceeyn loogu soo jeediyey iney howlaha shirkaddu goobahaa ka hayeen meel ka dhac ku ahaayeen xuquuqda bani'aadamka.
Carina Lundberg, madaxa laanta mulkiileyaasha ee Folksam:

- Illaa iyo hadda waxaan aaminsanaa shirkadda iyo hogaankeeda. Sidoo kale waxaa muhiimad ku fadhida in maamulka shirkaddu uu gunta ka gaaro xaaladdaa iyo siduu ku beenin lahaa dhaleeceeymaha loo soo jeediyey.

Shirkadda ceeymiska ee Folksam ayaa iminka iska iibineeysa saamiga ey shirkaddu ku leedahay Lundin oil 3,8 malyuun ee waraaqaha saamiyada dhaqaale qiimahooduna gaarsiisan yihiin 500 malyuun oo koronka iswiidhishka. . miljoner aktier värt omkring en halv miljard kronor.Också fackförbundet Handels säljer sitt innehav värt 3 miljoner kronor.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".