Baarlamanka oo Diiday Xeer la soo Jeediyey in Wax laga Bedelo

Kulan ey isugu yimideen xubnaha baarlamanka ee dalkan Iswiidhen waxey dubbahak u dhufteen diidmo ah in wax laga bedelo xeer dalkan hore uga jiray ee oranayey in ruuxa guur dalkan u yimaada la tijaabiyo laba sannadood si uu ku helo xeerka deggenaansho ee joogtada ah. Amuurtaa ayaa baarlamanka la hor-geeyey maadaama ay dhacdo in haweenka guurka ku yimaada qaarkood lagula kaco falal bani'aadminimada ka baxsan ee jir-dil iyo tacadi, iyada oo ka cabsi qaba in dalka laga saaro haddii aaney middaa u adkeeysan.

Halka ey xubnaha baarlamanku isla markaa ku go'aamiyeen inuu halkiisii ka sii socdo mooshin 12 sannadood horteed baarlamanku ansixiyey in haweenka ey caddaato in tacadi ballaaran lagula kacey inta aaney muddada labada sannadood ah dhammaan loo sahli karo.

                                             kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".