Dhibaatooyinka lagula Kaco Maxkammadaha

Sannadkii tagay ayey kor u kaceen 30% hanjabaadaha, jir-dilka iyo caqabadaha loo geeysto howl-wadeennada maxkammadaha, marka loo barbar-dhigo sannadkii ka horeeyay ee 2010, sida ay sheegtay laanta wararka ee idaacadda Iswiidhen ekot.

- Waa falal la xiriira handadaad, jir-dil iyo sidoo kale dhaawac u geeysasho hanti, sida ay sheegtay Carina Brzezinska, ahna sarkaalad u qaabilsan dhanka ammaanka ee hayadda maxkammadaha.

Kor u kaca dhibaatooyinka lagula kaco maxkammadaha iyo howl-wadeennada ka howl-gala ayey ugu wacan tahay iyada oo la caadeeystey in dacwad laga gudbiyo, halka sidoo kale ay dhici karto in falal-dembiyeedyadaa laga dhigtey falal joogto ah:

- Waxaa iminka lagu jiraa xaalad-bulshadeed ka duwan waayadii hore iyo inay hoos u dhacday xurmaddii loo hayey heyadaha dawladda. Waa sawir ey maxkamado badani iska dhex arkayaan iyo in ey kor u kaceen dhibaatooyinka loo geeysto, sida ay sheegtay Carina Brzezinska.

                                    kenadid.mohamed@sr.se

Isha:Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista