MAXKAMAD MAANTA LA RIDI DOONO

Raggii Argagixisada lagu Eedeeyey ee Danmarka

Maanta ayaa lagu dhawaaqi doonaa xukunkii maxkamadda ee afartii nin ee dalkan Iswiidhen ka tagey ee lagu eedeeyey iney damacsanaayeen fal argagixisnimo oo ka geeystaan xarunta wargeeyska daanishka ee Jyllandsposten. Howl-wadeen u qaabilsan war-geeyska Politiken ee ka soo baxa dalka Danmark ayaa sheegay inuu u arko in xukun raggaa lagu ridi doono, inkastoo aan wax caddeeymo ku xiraya la heeyn, islamarkaana aanu dhicin wax fal dembiyeed ah, sida ay magaalada Kopenheegan ka soo werisay Jenny Sanner Roosqvist:

Xeer-ilaaliyaha ayaa dacwaddiisa ku saleeyay dhageeysiyo ay si qarsoodi ah u dhageeysatay heyadda nabad-sugiddu, halka aan wax caddeeymo ah ee kale aan raggaasi laga heyn iyo sidoo kale wax fal-dembiyeed ah oo ey ficil ahaan u galeen. Waa xaalad adkeeneeysa sidii ciqaab loogu xukumi lahaa sida uu sheegay masuulka war-geeyska Politiken u qaabilsan dhanka ammaanka Frank Hvilsom.
– Waxey ku saleeysan tahay waxyaabaha ey xaakinka iyo dadka maxkamadda la qaadaya waxa ey rumeeysan yihiin, sida uu sheegay Frank Hvilsom.
– Waxa laga aaminsan yahay in raggani u yimaadeen magaalada Kopenheegan iney ku tallaabsadaan fal argagixisnimo iyo iney u yimaadeen sidii ey hub ku iibin lahaayeen, sida ey iyaguba sheegeen.

Dacwadda maxkamaddan ayaa dhammaanteed ku saleeysan dhageeysi qarsoodiya ee ciidanka nabad-sugiddu ku dhageeysteen telefoon magaalada Istockholm oo laga dhageeystey in mid ka mid ah ragga dacwadda lagu soo oogey uu ku warramay weerar lagu leeyneyo dad ka howl-gala war-geeys ka howl-gala magaalada Kopenheegan. Marka lagu daro in raggaasi hubeeysnaayeen kolkii gacanta lagu dhigay iyaga oo ku sugan magaalada Kopenheegan, ayaa adkeeynaya tuhunka dacwadda lagu soo oogay.

Intaa waxaa dheer in mid ka mid raggaa uu qiray qorshaha lagu tuhunsan yahay, islamarkaana farta ku fiiqay mid ka mid ah inuu ahaa matoorkii ka dambeeyay.

                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".