Tirakoobka Taageerada Xisbiyada ee Hayadda SCB

Tira-koob ay soo saartay hayadda tira-koobka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano SCB ayaa lagu sheegay in xisbiga (S) uu ku helay bishii maajo taageeradii ugu wayneeyd ee shacabka 37,3%, halka uu doorashadii ugu dambeeysay ee dalka ka dhacday sannadkii 2010 uu ku hantiyay codad gaarsiisan 30,7.

Xisbiyada Casaan-cagaarka (S+V+MP) ayaa si aqlabiyad leh ugu guuleeysan lahaa maamulka dalka kuwaasina oo ku hanan lahaa codad gaarsiisan 51,2% haddii ay doorasho dalka ka dhici lahayd bishii maajo ee ina dhaaftay. Halka xisbiyada isku-tagga ee talada dalka hayaana (C+FP+M+KD) ey ku hanan lahaayeen codad gaarsiisan 42,5%. Xisbiga SD ayaa hantiyay 5,4% halka xisbiyada soo hareyna ku hantiyeen 0,8%.

Sida xisbiyadu u kala heleen taageerada:

Centerpartiet (dhexe) 4,7 (±0,4)
Folkpartiet (shacabka) 5,5 (±0,4)
Moderaterna 28,6 (±0,7)
Kristdemokraterna 3,7 (±0,3)
Socialdemokraterna 37,3 (±0,8)
Vänsterpartiet 5,9 (±0,4)
Miljöpartiet 8,1 (±0,5)
Sverigedemokraterna 5,4 (±0,5)

Xisbiyada kale 0,8 (±0,2), iyadoona uu xisbiga Piratpartiet ugu taageero badan yahay kolka laga hadlayo xisbiyadaa.

Isha: SCB

                                          kenadid.mohamed@sr.se                                 

Fråga

Xaqiiq:

- Waa tira-koobka ugu dhow xaqiiqda, laguna wareeysto bulshada ugu tirada badan (qiyaastii 9 000). Tira-koobkan ayaa sannadkii laba jeer la qaadaa. Bilaha Noveember iyo maajo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".