Xukun lagu Ridey Afar Nin oo lagu Tuhunsanaa Argagixisnimo

Afartii nin ee lagu eedeeyey iney ku talo-jireen fal-argagixisnimo ee lagula kaco war-geeyska daanishka Jyllandsposten ee magaalada Kopenheegan ayay maxkamaddu ku dhawaaqday in dembiyadii lagu eedeeyey loo aqoonsadey iney ka dambeeyeen, sida uu idaacadda soo gaarsiiyay weriyaha uga soo waramaya goobta maxkamaddu ka dhacday. Iyadoona gelinka dambe ee maanta ay maxkamaddu ku dhawaaqi doono ciqaabta ey raggaasi muteeysteen.

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".