Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Buug Sannadeedkii Machadka SIPRI

La daabacay måndag 4 juni 2012 kl 13.03
Foto: Scanpix.

Caqabadaha dagaal ee caalamka ka aloosan ayey is-bedello iyo qalafsanaan ku imanayaan. Waana mid sii adkeenaysa sidii ey dawladaha caalamku gacan uga geeysan lahaayeen, sida uu buug-sannadeedkiisii oo maanta la shaaciyay uu ku qoray machadka baaritaanka nabadda ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaanno Sipri.

Carqalladihii gu'ga ee ka dhacey waddammada carabta ayaa tusaale u noqon kara xaaladaha sii qalafsanaaday, sida uu sheegay Daniel Nord, ahan ku simaha machadka Sipri:
- Welwelkii gu'ga ee ka dhacay waddammada carabta qaarkood ayaa cakiriyay sida la oran karo, maadaama qaarkood dagaallo la isku adeegsadey, halka dhanka kalena ey ka mid ahaayeen tallaabooyin aad dagaal iyo rabshado ku saleeysneeyn, sida bannaan-baxyo, qabsashooyin goobaha bulshada oo si nabad ah lagu galo, sida uu sheegay Daniel Nord, ku simaha machadka baaridda nabadda ee Sipri mar uu u warramayay laanta wararka ee ekot.

Dhanka kale wuxuu machadku kor u qaaday xaaladda cakiran ee dhaqaale ee caalamka ka aloosan oo hoos u dhigtay miisaaniyaddii ey waddammada galbeedku isku hubeeyn jireen. Waana markii ugu horeeysay wixii ka dambeeyay sannadkii 1998 aaney miisaaniyaddaasi kor u kicin. Iyadoo ey kor u kacday sannadkii 2011.

                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".