Sawirle: Bertil Ericson/Scanpix.

Heerka Ammaanka Difaaca oo Kor loo Qaadey

Heerka darajada ammaan ee wasaaradda difaaca ayaa kor loo qaadaey iyada oo laga qaadey heer hooseeyey lana gaarsiiyey heer sare, iyadoona la gaarsiiyey heerkii ciidanka nabad-sugiddu hore u gaarsiiyeen heer-kulka ammaanka dalka sannadkii 2010. Middaasina oo ay ka dambeeysey digniin uga timid xarunta qaranta ee qiimeeynta firfircoonida falalka argagixisada (NTC).

Laanta ammaanka iyo war-doonka ee ciidammada qalabka sida (MUST) ayaa si joogta ah u qiimeeya heerka ammaan ee ciidanka difaaca. Iyadoona lagu saleeyo tusaale ahaan kor u kaca howlaha basaasnimo, dembiyada, howlo curyaamin iyo falal argagixisnimo. Iyadoona dhowaantan dib u eegid lagu sameeyey xaaladda la xiriirta falalka argagixisnimo.

Go'aankan ayaa sidoo kale lagu qiimeeyey isku-dayaddii wax-yeelooyin ee goobaha milateriga ee yurub la isku dayey. Sida tii sannadkan horraantiisii lagula kacey ciidankii faransiiska ee magaalada Toulouse.

                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".