Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Mattias Gardell oo Hor Tagay Maxkamadda Breivik

Mattias Gardell. Sawirle: Heiko Junge/Scanpix.

Eedeeysane Anders Behring Breivik oo ay maxkamaddiisu ka socoto magaalada Oslo ee dalka Noorway waa qaatil siyaasadi ka dambeeyso ey dad badan ee caalamka ku dhaqanina nasiibdarro la qabaan, sida uu maxkamadda ka hor sheegay caalinka iswiidhishka Mattias Gardell, iyadoona uu qareenka Breivik dalbaday inuu maxkamadda ka markhaati furo, si uu u muujiyo Breivik yahay ruux caqligiisa qaba islamarkaana loogu ridi lahaa xukun xabsiya.

- Breivik maaha dhacdo yaab leh. Bareivik waa mirihii fikir-siyaasadeed ee leh taariikh soo yaal ah oo uu dhankiisa damacsan yahay inuu jiil kale u gudbiyo, sida uu sheegay Mattias Gardell.

Baaritaan dhanka maskaxda ah ee lagu sameeyey anders Behring Breivik, laguna eegayey hab-fikireedkiisa la xiriira mabaadiidiisa dood-siyaasadeedda ee lagu tilmaamey iney yihiin kuwo waali a, ayuu sheegay Mattias Gardell mid ka soo hor-jeedda iyo iney jiraan dad badan ee sidaa oo kale u fekera eyna ka dhaxleen qaar iyaga ka horeeyey iyo dagaallo waali ah:
- Sida dagaalladii caalamka dabka u horseedey ee bilowgii qarnigii 1900, sida uu sheegay Mattias Gardell.

Mattias Gardell oo ka howl-gala jaamicadda uppsala, ahna shakhsiga iswiidhishka keliya ee maxkamadda looga yeeray ayaa wax ka carabaabay qeybo ka mid ah qoraallada uu Breivik ku daabacay waxa uu ugu yeeray bayaanka..

Saameeyn ayey ku yeesheen mabaadiida islaan-nececaybka, asal-raaca dhaqan, mabda'a neceeybka ee sinnaanta ragga iyo wixii la mid ah. Inkastuu Gardell nalka ku ifiyay farqiga u dhaxeeya Breivik iyo kooxaha uu ku cuskanayo bayaankiisa.
- Dhammaan kooxaha uu Breivik bayaankiisa ku cuskanayo maaha asal raac sidiisa oo kale. Dhammaan wax ma wada rabaan, si wax uma wada arkaan, ma aaminsana siyaasad iyo hab-fikireed isku mid ah, awoodna sidaa uma qabaan in loo isticmaalo, sida uu sheegay Mattias Gardell, mar uu ka markhaati furayay maanta maxkamadda Oslo ee ku socota eedeeysane Breivik.

Isha: Ekot

                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".