Xukun Laba iyo Toban Sannadood ah

Xukun laba iyo toban sannadood ah ayaa ku dhacay saddex nin oo heeysta dhalashada Iswiidhen iyo mid ku dhaqnaa dalkan muddo labaatan sannadood ah, kuwaasina oo ku tala jirey iney weerar argagixisnimo ku qaadaan xarunta war-geeyska Jyllands-Posten ee caasimadda Danmark ee Kopenheegan sannadkii 2010. Magnus Ranstorp oo ah caalin ka howl-gala kulliyadda difaaca ayaa sheegay in xukunkaa looga gol leeyehay sidii uu tusaale ugu noqon lahaa cid walba ee ku fekerta fal noocaasiya. Halka sidoo kale ay amuurtani kor u sii qaaday wada-shaqeeynta ammaanka ee waddammada Danmark iyo Iswiidhen, sida uu sheegay Magnus Ranstorp.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".