Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Haraagii Shirkadda Saab oo la Iibin Doono Bartamaha Kuleeylaha

La daabacay måndag 4 juni 2012 kl 17.12
Gawaaridii Saab ee ugu dambeeyey. Sawirle:Victor Jensen

Cidda faraha ku haysa haraagii shirkaddii gawaarida ee Saab ayaa sheegtay in tartankii shirkadda lagu iibin lahaa uu dhici doono qiyaastii bartamaha kuleeylaha, sida ay sheegtay laanta idaacadda ee P 4 Väst.

War-bixinno horey la isula dhex-marayey ayaa oranayey inay shirkadda gawaarida ku socda korontada ee National Electric Vehicle Sweden (Nevs) u diyaar tahay iney bixiso kharash gaaraya 1,5 illaa 1,8 milyaard e ekoronka iswiidhishka oo ay ku jirto shirkadda dayac-tirka ee Saab Parts.

Sidoo kale shirkadda shiineeska ee Youngman ayaa shaacisay inay diyaar la tahay dhaqaale gaarsiisan qiyaastii afar milyaard ee korornka iswiidhishka oo ay sidoo kale ku jirto shirkadda dayac-tirka ee Saab Parts.

Isha: Laanta idaacadda P4 Väst

                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".