Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Rajo laga Muujiyey Suxufiyiintii ku Xabisneeyd Itoobiya

La cusbooneeyay tisdag 5 juni 2012 kl 10.54
La daabacay tisdag 5 juni 2012 kl 10.00
Johan Persson iyo Martin Schibbye.

Rajo cusub ayaa ka soo muuqatey kolkii uu maamulka dalka Itoobiya amar ku bixiyay in baaritaan lagu sameeyo hab-wanaagga ey u dhaqmi jireen muddadii ey xabsiga ku sugnaayeen labada suxufi ee iswiidhishka Martin Schibbye och Johan Persson. Sida uu qoray war-geeyska Sendek ee ka soo baxa dalka itoobiya in guddiga cafiska dalkaasi uu amray in baaritaan middaasi lagu soo sameeyo hab-dhaqankoodii muuddadii ey ku sugnaayeen xabsiga Kality.

Iyadoona uu war-bixintaa u caddeeyay ruux ka howl-gala madaxtooyada dalka Itoobiya oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego war-geeyska maalinlaha ee Dagens Nyheter.

Waa calaamad muujineeysa in tallaabo horey loogu qaadey howshii la xiriirtay cafis loo fidiyo suxufiyiinta, sida uu war-geeyska DN boggiisa internetka ku sheegay Kjetil Tronvoll, ahna caalin ku takhasusay culuunta xeerka xuquuqda bani’aadamka ee caalamka.

Bishii luulyo ee sannadkii 2011 ayay ahyad kolkii gacanta lagu dhigey labada suxufi ee Martin Schibbye iyo Johan Persson mar ey ku sugnaayeen carriga Ugaadeenya. Dabadeedna bishii diseembar ee isla sannadkaa lagu xukumey xabsi dheer iyada oo lagu eedeeyey dembiyo ey ka mid yihiin iney si sharcidarro ah ku galeen dalka Itoobiya iyo sidoo kale iyo wada-shaqeeyn ey la sameeyeen urur loo aqoonsan yahay argagixis inuu yahay, inkastoo ey middaa iska dheereeyeen.

Suxufiyiinta iswiidhishka ayaa dusha u ritey dembiyadii lagu soo oogey kadib markii ey abiil ka qaadan waayeen xukunkii lagu ridey, middaasina ugu wacneeyd iyaga oo ka rajo qabey in cafis guud loo fidiyo.

Madaxa dawladda dalka itoobiya Meles Zanawi ayaa hore u sheegay in suxufiyiinta cafis loo fidin doono, hase yeeshee marka ugu horeeysa loo baahan yahey iney dembiga ey galeen dhadhamiyaan, hadalkaasina oo loo tarjumey iney xabsiga ku jiri doonaan muddo sannad ah, sida uu qoray war-geeyska DN.

Isha: DN

                                     kenadid. mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".