Sawirle: Thanassis Stavrakis/ Scanpix.

Muwaadiniinta Giriigga ah oo Dalka Shaqo u Imanaya

Muwaadiniin giriig ah, una badan da'da dhallin-yaranimo ayaa dalka si is-daba joog ah ugu soo qulqulaya, kuwaasina oo ka soo qaxaya xaaladda dhaqaale ee dalkaasi ka aloosan una imanaya Iswiidhen sidii ey shaqo uga heli lahaayeen. Tira-koobka hayadda socdaalka ayaa muujinaya tirada giriiggu iney laba jibaarantey marka loo barbar-dhigo sannadkii tagay.

Guddigan uu saaray ururka daladda ururrada ayaa siin doona muwaadiniinta ka soo jeedda dalka Giriigga war-bixinno la xiriira suuqa shaqada iyo sida dalkani u shaqeeyo. Halka bog xusuus-qor ee internetka ahna looga caawin doono sidii ey xiriir ula sameeyn lahaayeen shaqa-bixiyeyaasha. Sidoo kale in laga caawiyo haddii ey suurtagal tahay sidii hooy loogu heli lahaa.

Muwaadiniinta waddammada xubnaha ka ah ururka Midowga Yurub ayaa xaq u leh iney isaga gooshi karaan xuduudaha waddammadaa, halka haddii ey u baahdaan iney ku nagaadaan dal muddo saddex bilood dhaafsiisan, ama ka howl-galaan u baahan yihiin in ey is diiwaan-geliyaan.

Tirakoob laga soo xigtay hayadda socdaalka ayaa sheegaya in tirada muwaadiniinta giriiga ee isk diiwaan-geliyey ey laba jibaarmeen sannadkii 2011, marka loo barbar-dhigo 2010 oo tiradaasi ka kacdey 400 gaarteyna 800.

Isha:Ekot

                                          kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".