Xisbiga S oo is Rogay Kolka laga Hadlayo Kirada Gacanta Labaad

Gobolka Istockholm oo keliya ayaa looga baahnaan lahaa guryo gaareya 85 000, waana mid hakad gelineeysa kobaca dhaqaale ee gobolka, sida ay war-geeyska Dagens Industri boggiisa doodda ku daabacday Veronica palm, af-hayeenka xisbiga (S) ee dhanka deegaanka.

Haddaba xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga ayaa iska rogay fikirkiisii la xiriiray kireeynta guryaha gacanta labaad soona jeediyay fikirro ka duwan kuwa dowladda ee middaa lagu hagayo. Veronica Palm ayaa qabta in fikirrada xisbiyada isku-taggu aaney aheyn kuwo wanaagsan sidaa daraadeed aanu xisbigeedu taageero u hayn.

Fikirrada xisbiga S uu soo jeedinayo:

* Mulkiilaha gurigu wuxuu qaadan karaa dhaqaale ka badan kirada guriga ee ah kiradii iyo dul-saarkaba.

* Guryaha aan villooyinka aheyn ee mulkida loo leeyahay inuu kharashka kaga soo beegma kolka daarta lagu iibiyo gacan labaad. Haddii kale waxaa dhaceeysa in qeyb ka mid ah mulkiileyaashu ey gacan ka geeystaan dhaqaale ahaan guryaha ey dadka qaarkii kireeyaan.

* In aan la daciifin xuquuqda kireeystaha. Halka uu qorsha dawladdu meesha ka saarayo xaqa ruuxa lagu khaa’iey inuu kiro dheeriya bixiyo in dacwad uu soo oogi karo kolka ay dhammaato muddadii uu hooyga deggenaa.

* Waxaa loo baahan yahay nidaam cad ee la xiriira kireeynta guryaha ee gacanta labaad. Halka degmooyinka ey ka jiraan guri la’aanta ey furi karaan xafiisyo guryaha kala dalaala, sida ay Veronica Palm ku qortay war-geeyska DI boggiisa doodda.

Isha:DI

                                kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".