Ciidanka Ammaanka oo Dalbaday inuu Isticmaalo Dawada Matagga

Ciidanka ammaanka ayaa codsaday in loo ogolaado sidii ey ugu isticmaali lahaayeen daawada matagga iney siin karaan dadka iibiya ama isticmaala maandooriyaha culus si loogu helo caddeeyn in afkooda ama calooshooda uu muqaadaraad ku jiro, sida ay sheegtay laanta wararka ee idaacadda la iska daawado ee TV 4.

Ciidanka ammaanka ayaa ka war-haya in dadyowga iibiya muqaadaraadka ey ku ridaan baco yaryar oo ey afka ku keydiyaan. Kuwaasina oo afka la isaga dhiibo, si uu ruuxu markiiba u liqi karo haddii ey howl-wadeennada ciidanka ammaanku goobta yimaadaan.

Guddi ka socda hoggaanka ciidanka ammaanka ayaa middaa kala xaajooday xubno ka tirsan xildhibaannada xisbiga Mudaraatka u matala baarlamanka iyo wasiiradda sharciga Beatrice Ask (M). Iyagoona sheegey iney garwaaqsan yihiin baahida ciidanka ammaanku u qabo isticmaalka daawada matagga.

- Xaqiiqdii waa mid shaqeeyneeysa xaaladaha qaarkood. Halka ay dhanka kale tahay mid meel kaga dhaceeysa xuquuqda shakhsiga. Su'aalaha noocani ah waa in aad looga baaraan-degaa in aan lagu tallaabsan, sida ay idaacadda TV 4 laanteeda wararka u sheegtay Beatrice Ask.

Ilaha:TV4/TT

                                kenadid.mohamed@sr.se

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".