Sawirle: Agneta Nilsson

Miisaaniyad loo Qoondeeyey Goobaha Dalxiiska

Dawladda ayaa u qoondeeysay muddp saddex sannadood ah nawaaxiyada gobolka Bohus, Kiruna, Stockholms skärgård, Vimmerby iyo Åre 60 malyuun oo koron sidii loogu hor-u-marin lahaa goobaha dalxiiska, kuwaasina oo kaga guuleeystey 40 degmo ee dalabka ku dhiibtey sidii ey uga mid noqon lahaayeen kuwa saamiga u helay. Christna Lugnet, go'aankana gaadhay ayaa sidan ku macneeysay sababaha lahu doortay iney tallaabo hore uga qaadeen dhanka ganacsiga dibadda.

Magaalooyinka Istockholm iyo Åre oo dalxiisyada iminkaba ku caan-baxey ayaa ka mid ah degmooyinka nasiibka u yeeshey dhaqaalahaa.
- Iminkaba waa degmooyin dalxiisku ku badan yahay, hase yeeshee waa ey kaga sii wanaagsanaan karaan, sida ay sheegtay Christina Lugnet madaxa hayadda kobaca.
- Waxaa loo baahan yahay iney aad ugu sii xoogeeystaan howlaha dhanka dalxiiska ee caalamiga.

Iyo sidoo kale sidii ey degmooyinkaasi ku soo jiidan lahaayeen dalxiisyada bilaha sannadka dhammaantii.

Qorshahan ayaa ka mid ah tallaabooyin la xiriira sidii loo gaari lahaa goolka ah in dalkani ugu dambeeyn sannadka 2020 uu dalxiiskiisu dalka soo geliyo dhaqaale gaarsiisan 500 oo milyaardi e ekoronka iswiidhishka, islamarkaana howl-geliyo 300 oo kun oo shaqaale oo u dhiganta laba jibaar kuwa maanta howlahaa ku howl-gala.

Sannadkii tagay ayuu dalkan ka helay dhoofinta dhaqaale gaarsiisan 87 milyaard ee koron, waan dhaqaale laba jibbaar u dhigma marka loo barbar-dhigo sannadkii 2000, sida laga soo xigtay hayadda kobaca.

Isha:TT

                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".