Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Ciidanka Afgaanistaan ku Sugan oo la Weeraro

La daabacay tisdag 5 juni 2012 kl 16.33
Ciidammada Iswiidhen ee Afgaanistaan. Sawirle: Torbjörn F Gustafsson/InfoS/Försvarsmakten

Ciidammada waddammada Iswiidhen iyo Finland kaga sugan waddanka Afgaanistaan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey qeyb ka ahaa dhacdooyin is rasaaseeyn ee carrigaa ka dhacay, iyadoona wasaaradda difaacu sheegtay inay fileeyso sii socodka dhacdooyinka noocaasiya, sida ay qortay hayadda wararka ee TT.

Isniintii shalay ahayd ee toddobaadkan ayaa ugu dambeeysay kolkii ey difaac ka galeen ciidanka dalkan kaga sugan Afgaanistaan. Iyadoona ciidamo isku dhaf ah ee iswiidhish iyo afgaanistaan ah ee ku sii jeedey magaalada Sar-i-Pul ee waqooyiga Afgaanistaan lagu rasaaseeyey goobtii ey ku sugnaayeen. Hase yeeshee aaney cidi kaga dhaawacmin.

Laga bilaabo taariikhdii 15-kii bishii maajo ayaa ciidammada iswiidhen dhowr jeer ee kala duwan weerarro lala beegsadey. Iyadoona saddex ka mid ah weerarradaa loo adeegsadey miinooyin aqallada lagu sameeyey.

Madaxa ciidammada iswiidhishka ee Afgaanistaan Anders Silwer ayaa tibaaxay in weerarradu aaney ka badneeyn kuwa iminka ee dhici jirey xilligan oo kale, isagoona sheegay:
- In kolka dhaqdhaqaaqu sahlanaado ey bataan daandaansiyada weerar ee noocaniya.

Isha:TT

                                       kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".