Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Fikir ah Baabi'in Nidaamka Garsooraha Bulsho

La daabacay tisdag 5 juni 2012 kl 17.18
Sawirle: Henrik Montgomery/Scanpix.

Hoggaannada maxkammadaha racfaanka ee hövrätten iyo kammarrätten ayaa soo jeediyey in la baabi'iyo howlaha gar-sooreyaasha bulshada, islamarkaana la siiyo suurtagal in la xaddido abiil qaadashada oo laga baaraan dego inta aan la ogolaan, mar ey maanta si wada-jir ah maqaal ugu qoreen war-geeyska SvD boggiisa doodda.

Iyagoona middaa u cuskadey xaalad dhaqaale ee cakiran sababina karta dib u habeeyn iyo dhimis lagu sameeyo howlaha maxkammadaha ee sannadka foodda innagu soo haya, sida ey qoreen.

Xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga ayaa qaba iney ka howl-galaan garsooreyaasha bulshadu maxkammadaha hov- iyo kammarrätt-ka, iyada oo middaasi weliba muhiim u tahay xilligan oo uu sii ballaaranayo farqiga u dhexeeya dabaqadaha kala duwan ee bulshada. Halka sidoo kale uu xisbigu shaki ka muujiyay fikirkan ah in racfaan laga qaadan karo dacwad walba, maadaama ay la xiriirto heerka ammaan ee maxkammadaha.

Wasiirka shuruucda Beatrice Ask (M) ayaa fikirkaa ka sheegtay inuu baaritaan ku jiro. In dawladdu dhowaan u saartay baaritaan la xiriira habka gar-sooreyaasha bulshada, isla-markaana aaney wax faalo ah ka bixinayn fikirka la xiriira in racfaan ka qaadashada in la xaddido.

Isha:TT

                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".