Warshadda Forsmark. Sawirle: Tomas Oneborg/Scanpix.

Mustaqbalka Warshadaha quwadda Korontada ee Atoomikada

Kolka uu dhammaado dayac-tirka ku socda warshadaha quwadda korontada ee dalkan ayaa la sheegeyaa in raja laga qabo iney howshooda sii wataan illaa iyo sannadka 2045, xitaa haddii aan inta muddadda ka horeeysa la dhisin warshado cusub ee hor leg. Sidoo kale mulkiilwyaasha warshadaha quwadda korontada ayaa howlahaa gelineya dhaqaale miisaaniyad gaarsiisan 50 milyaard ee koronka iswiidhishka, sidii kor loogu qaadi lahaa tayada, da'da iyo ammaanka tobanka warshadood ee adeegga quwadda korontada ee atoomka, sida uu sheegay agaasimaha shirkadda Eon, ingemar Engkvist.

Waxaa jirta rajo la qabo ee ah in warshadaha nukliyerka ee quwadda korontadu ey yeeshaan da' gaarsiisan 60 sannadood. Taasi waxay macnaheedu tahay in middii ay dhismaheedu ugu horeeysay ay howl-gal ku sugnaato illaa iyo sannadka 2032, halka labada ugu casrisan ee Forsmar 3 iyo Oskarshamn 3 ey howlaha ku nagaadaan illaa iyo sannadka 2045.

Madaxa cilmi-baarista ee Fortum, Göran Hult, ayaa aaminsan in warshadahaasi qaadan doonaan wakhtigooda, haddii aan inta ka horeeysa la dhisin warshado cusub ee ku shaqeeya quwadda nukliyarka:
- Jiritaan 60 sannadood ah uma arko wax aan suurtagal ahayn, maadaama ey aad u yar yihiin qalabka aan warshadaha noocaasiya dayac-tirka lagu sameeyn karin. Waana kuwo la isticmaali karo inta ey shaqeeynayaan muddo dheer.

Isha: Ekot

                                           kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".