Sawirle: Victor Jensen/P4 Väst.

Wararkii Saab in la Iibsadey oo la beeniyey

Degmada trollhättan ayaa beenisey war-bixin ay shaacisay laanta P4 Väst ee idaacada Iswiidhen middaasina oo lagu sheegey in la soo gabagabeeyey howlihii shirkadda saab ayna iibsatey shirkadda National Electric Vehicle Sweden ee soo saarta gawaarida ku socda quwadda korontada.

Ciddii ka masuulka ahyd haraagii shirkaddii gawaarida ee Saab ayaa warar aan la xaqiijin sheegayaan in la soo gabagabeeyey, iyadoona ay u suurta-gashay iney mulki u yeelato shirkadda soo saarta gawaarida ku socda quwadda korontada ee National Electric Vehicle Sweden, sida ay qortay laanta idaacadda ee P4 Väst.                                              Laanta idaacadda P4 Väst ayaa xiriir la sameeysay Karl-Erik Trogen, madaxa hoggaanka NEVS, isagoona ka gaabsaday inuu xaqiijiyo ama beeniyo warkaa.

National Electric Vehicle Sweden ayaa muddo sannad ah xiiseeynaysay shirkadda Saab, iyadoona shirkadda saamiyada la isugu geeyey la abuuray bil horteed, markaa dabadeedna la soo ban-dhigay xiisaha ay u qabto shirkadda saab.

Isha: P4 Väst/TT

                                         kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".