Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Talaal la Filayo ee Cudurka Al-saaymerka

Sawirle: Hasse Holmberg/Scanpix.

Cilmi-baaris cusub oo lagu sameeyey machadka caafimaadka ee Karoliiniska ayaa lagu guuleeystey rajo ah in la helo tallaal looga hor-tageyo cudurka dhimir-beelka ee al-saaymerka loo yaqaanno, sida ay sheegtay laanta wararka ekot ee idaacadda Iswiidhen maalintii arbacada ee shaleeyto.

58 ruux ee cilmi-baarista lagu tijaabiyey muddo saddex sannadood ah ayaa kolkii tallaalka lagu dhuftey waxey oogadoodu badankood dadyoowgaa soo saareen unugyada difaaca oogada ee ka hor-tag ku sameeyey maadada disha unugyada maskaxda ee cudurka sababa.

Kooxdan cilmi-baareyaasha ee uu hogaamiyo caalinka Bengt Winblad, kana howl-gala machadka caafimaadka ee Karoliinisku sheegay in culimadani ku dureen dadka tijaabadu ku socotey maadada amyloid, middaasina oo suurtagelisey in oogadoodu soo saarto unugyada difaaca.

Tiro gaarsiisan 80% ee ka mid ah 58-ka tijaabada lagu sameeyey ayaa middaa ku guuleeystey iyada oo aan wax dhibaato ah kala kulmin maaddadii lagu durey markii hore. Iyadoona la fileyo in tallaal noocaasiya lagu hago dadyowga qaba cudurka dhimir-maskaxeedka, sida uu sheegey Winblad.

Waddammo toban gaarsiisanayaa laga bilaabey tijaabo middaa la xiriirta ee lagu sameeyneyo 350 ruux. Kuwaasina oo ey ka mid yihiin marka dalka Iswiidhen laga yimaado dalalka Danmark, Jarmani iyo Holan.

Maanta oo arbaca ah ayaa natiijada machadka Karoliiniska lagu daabacay war-geeyska culuunta ee Lancet Neurology.

Isha:TT                                         kenadidmohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".