Raadiyo digital ah. Foto: Håkon Mosvold Larsen/Scanpix.

Guddi Dawladdu u Saartay Horumarinta Digital-ka

Dawladda ayaa guddi u saartay ka soo baaraan-dega sidii dalkan uu ku hannan lahaa kaalinta koowaad waddammada caalanka kolka laga hadlayo culuunta aaladda Digital-ka iyo suurtagallada isticmaalka teknikada casriga ah.

Howl-waddeennada guddigan ayaa madax looga dhigay caalinka Jan Gulliksen oo ka howl-gala jaamicadda boqortooyada ee Kungliga Tekniska Högskolan.
- Waxaan iminkaba kaga suggannahey heer sare culuuntaa, hase yeeshee kaalinta ugu sareeysa ma gaarsiisanin. Mana ahan makaankaasi mid aan ku qanci karno, maadaama ay dhici karto in si sahlan nalugu dhaafo, sida uu sheegey

Isha:TT                                       kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".