Bulshada oo ku Wiiqeeysa Magaalooyinka Yaryar

Magaalooyinka yaryar ee Iswiidhen ayey si xawli leh bulshadu uga faaruqeeysaa marka loo barbar-dhigo waddammada Yurub. Ururka gobollada iyo degmooyinka ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaanno SKL ayaa sheegay in caqabadda ugu ballaaran ee middaa la xiriirta la soo gudboonaato magaalooyinka dhaca bartamaha iswiidhen oo ku sugan xaalad dhaqaale ee adag.

Nawaaxiga Finspång iyo Östergötland ayaa ku guuleeystey in xaaladdaa dhanka kale u rogaan, middaasina oo awood badani kaga baxdey. Anders Härnbro oo xisbiga S u fadhiya degmadaa ayaa qeexay kordhintii cashuuraha ee ugu dambeeyey.

- Waxa ay kordhinta qidmaddu ku xireeyd kharashka kor u kacay ee degmada, iyo sidoo kale miisaaniyadda ku baxday dhismaha daarta dabaasha iyo wixii la mid ah.

Howlahaa ayaa wax ka badalay sawirkii laga haystey magaalada Finspång.                             Kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".