Sawirle: David Zimmer/Sveriges Radio.

Boliis Dheeriya iyo Dembiyada Sharciga la Hor Keeno oo aan is Dhimin

Dembiyada uu ciidanka ammaanku sharciga hor-keeno ayaan tiradoodu kor u kicin, xitaa haddii ey kor u kaceen tirada ciidanka ammaanku, sida ay qortay hayadda warraka ee TT.

Tirada dembiyada uu ciidanka ammaanku ku guuleeystay saddexdii bilood ee sannadka ugu horeeyey ayaa ka hooseeya siddeeddii sannadood ee ugu dambeeyey, sida ku cad baarid uu sameeysay hoggaanka ciidanka ammaanka ee dalku.

- Waana sabab ka mid ah sababaha aannu u eegeeyno in laga baxo habkan uu ciidanka ammaanku iminka ku shaqeeyo ee la xiriirta goboleeysiga iyo sidii loo mideeyn lahaa 21-ka hayadood ee ciidanka ammaanka kana howl-gala goollada, sida uu sheegay Reinfeldt.

Isha:TT                                        kenadid.mohamed@sr.se

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista