Nidaamka Qorsheeynta ribada Wareegaaleeysata

Wasiirka dhaqaalaha Anders Borg ayaa soo bandhigay go’aankii kama dambeeysta ahaa ee la xiriiray qorsheeynta qidmadaha iyada oo lagu saleeyneyo kharashyada laga bixiyo ribada. waxa afkan iswiidhishka lagu yiraahdo (räntesnurror) ribada wareegaaleysata. Nidaamka ribada-wareegaaleeysata ayaa u dhaqanta sidii shirkaduhu uga baxsan lahaayeen qidmadda laga qaado ee dalkan.Iyadoona sida uu sheegay wasiirku la xirey waddooyinkii loo in qidmadda lagula dhuuno waddammada aan cashuuraha laheyn iyo in cashuutraha la is daba-mariyo.

Waxaa iyadana la xakameeyey in xafiiska cashuuruhu dib uu baaritaan ugu sameeyo la xiriira cashuuro horey loo maareeyey.

Iyadoona ey shirkadaha manaafacaadkuna dhaliillo badan ka jeediyeen sidii fikirkii laga helay heyadihii amuurtaa lagala tashaday.

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in xeerkani hir-geli doono horraanta sannadka foodda innagu soo haya.

                                       kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".