Shilalka oo ku Badanaya Goobaha shaqada

Waxaa kor u kacday khatarta in shil halis ah uu shaqaale ku habsado goobta shaqada, sida ku caddaatay war-bixin ay soo saartay shirkadda ceeymiska ee AFA oo ey mulki u leeyihiin garabyada suuqa shaqada.

Tirada shilalka kor u kacay ayaa ku saleeysan goobaha shaqada ee haweenku ku badan yihiin sida goobaha caafimaadka iyo dar-yeelka.

Halista shilalka goobaha shaqada ee raggu ku badan yihiin ayaan kor u kicin marka loo barbar-dhigo shilalkii sannadkii ina dhaafay, halka ey shilalkaasi kor u kaceen goobaha shaqada qaarkood sida dhismaha iyo warshadaha birta.

Isha: TT

                                                kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".