Foto: Jessica Gow/Scanpix.

Wargeeyska expressen oo Abiil ka Qaatay Xukun

Tifatiraha war-geeyska Expressen Thomas Mattsson iyo laba ka mid ah shaqaalaha war-geeyska oo hore ay maxkamad-degmo xukun ugu riday la xiriira hub sharcidarro ah ayaa abiil ka qaatay.
Saddexdooduba waxay abiil u qaateen maxkamadda racfaanka ee Malmö in dembiga laga qaado ama ugu yaraan lagu rido ciqaab sahlan. Halka ay maxkamadda degmadu ku ridey ganaax iyo xukun shuruud ku xiran.

Dembiga raggan lagu oogey ayaa la xiriira in weriye ka howl-gala war-geeysku ka iibsaday magaalada Malmö si sharci darro ah bistoolad uu dabadeed ku wareejiyey ciidanka ammaanka. Falkaasina oo goolka laga lahaa uu ahaa in la xaqiijiyo sida ay u sahlan tahay in hub si sharcidarro ah looga iibsan karo magaalada Malmö.

Falka hub-iibsiga ayey ansixiyeen tifatiraha iyo madaxa wararka ee war-geeyska labaduba.

Isha: Ekot

                                         kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".