Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Shaqo ka fariisi dib loo Dhigay

La daabacay fredag 8 juni 2012 kl 16.22
Kulan looga xaajoonayo shaqa ka fariisi. Sawirle: Jonas Neuman/SR Gotland

Ururka shaqaalaha ee maqaayad iyo huteellada ayaa dib u dhigay shaqa-ka-fariisi la filayay in maanta gelinka dambe lagu tallaabsado. Iyadoona haddii la isku af-garan waayo waanwaanta lagu dhawaaqay in dib loo bilaabi doono isniinta foodda innagu soo haysa ee 11-ka bisha juun abbaaraa labada duhurnimo.

Waxey noola muuqataa in waanwaanta lagu guuleeysan karo. Goolyaguna wuxuu weli yahay sidii aan heshiis wanaagsan ku wada gaari laheyn. Waana mid noo suurtagelinaya howshaa mar haddii aan dib u dhignay falkii shaqa-ka-fariisi, sida uu hayadda wararka ee TT u sheegtay hogaamiyaha ururka HRF, Ella Niia:

Is-fahanka ugu wayn waa mushaarka ugu hooseeya ee lagu shaqa-galo. Ururka shaqaalaha wuxuu ku andacoonayaa in kor loo qaado 600 bishii, halka ururka mulkiileeyda maqaayad iyo hoteelladu uu taagan yahay ku dhowaad 500 oo koron.

Isha:TT

                                             kenadid.mohsmed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".