Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Arkivfoto: Jessica Gow/Scanpix.

Tobankii sadex baa ka booda dugsiga sare

Tobankii sadex ardeyda dalkaan ayaaka booda dugsiga sare ee sadexda sanno ah, sidaas waxaa muujinaya tirokob cusob ay soo bandhigtay ururka Iskutaga Degmooyink iyo Gobalada Sweden (SKL).

Demada ugu liidata ayey 40% dugsiga sare sadex-sanno gudahood ku dhameeyey, halka tan ugu fiican ay 88% ku dhameeyeen sadexda-sanno gudaheed sida ay muujinayso daraasado. Tirokoobkaan ayaa ah mid cusob, lakiin waxa uu quseeyaa ardeydii bilowday dugsiga sare sannadyadii 2005-2007. Afar- sanno ka bacdii afar meelood ardeydaas ayaa dhamaynin dugsiga sare oo qaadan shahaado dhamaystiran.

Wiilasha weeyaan kuwo dugsiga sare ka booda marka loo barbardhigo gabdhaha kuwaas oo dheer gabdhaha 3-5%. Xisaabtaan waxay ku saabsan tahay ardeyda aan ku dhamaynin sadex, afar ilaa shan-sanno dugsiga sare tan iyo inta ay bilaabeen waxbarashada dugsiga sare.

Ardeyda dhigata qaybta tababarka shaqa (yrkesförberedande program) weeye kuwo u badan oo ka booda marka loo barbardhigo ardeyda barata barnaamijka u diyaar garowga tacliinta sare (studieförberedande program). Ka boodida dugsiga sare ayaa u badan kalaaska sadexaad, sida ay SKL ku qortay bogeeda.

Xogta: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".