1 av 4
Marwo Khadra Haji Gaydh
2 av 4
Bidix, Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Abdirahman Saylici, Midigta Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland, Sawirle kasim Abdulkadir/Sr
3 av 4
Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland, Saad Ali Shire, Sawirle kasim Abdulkadir/Sr
4 av 4
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Abdirahmaan Saylici, Sawirle kasim Abdulkadir/Sr
Ganacsiga Cusub Ee Sweden La Samaynaso Somaliland

Dhagayso Ganacsiga Somaliland Iyo Sweden

Isbucan ayaa waxa dalkan Sweden yimid wafti kasocda Somaliland kuwaaso casuumad ka helay shirkad Maal galinaysa Somaliland. Waftigan ayaa waxa horkacaya madaxweyne ku xigeenka somaliland Abdirahman Saylici iyo wasiirka qorshaynta qaranka somaliland, Saad Ali Shire

Halkan Hoose Ka Dhagayso Barnaamij Aan Ka Diyaarinay Ganacsiga Sweden iyo Somaliland.

Idaacada Radio Sweden ayaa la kulantay waftigan iyo madaxa shirkada maalgalinaysa somaliland iyo waraysi aanu idin ka hayno kulamaddii waftigu la qaataay wasaarada arrimaha dibada ee dalkan sweden, wariyaha idaacada ayaa la kulmay waftigan, waxna ka waydiiyey socdaalkooda.

Gudoomiyaha daladaha jaaliyada somaliland zakariye hassan aways oo ayaa waftigan ku soo dhaweeyay caasimada dalkan Sweden ee Stockholm.

Madaxweyne ku xigeenka somaliland ayaa qudbad dheer ka jeediyey goobtan oo ku taal xaafada kista ee koonfurta caasimada.

Sawaxanka sacabka dadka goobtaa joogay ayaa ahaa mid aad layaab u leh, qudbada dabadeed ayaan waydiiyeey sababta socdaalkan madaxweyne ku xigeenka somaliland abdirahman saylici, waxaanu ii sheegay.

Waxa kale oo goobtaas qudbad ka jeediiyey wasiirka qorshaynta qaranka somaliland Sacad shire oo isagana sacaab aad u sawaxan dheer lagu soo dhaweeyay..

Wasiirka qorshaynta qaranka somaliland ayaa isla goobtaas nooga waramay sababta socdaalkan u sweden ku yimid.

Shirkadan soo casuuntay waftigan somaliland ayaa waxaa madax ka ah micheal torstensson isagana waxaan waydiiyey ujeedada casuumadan u u fidiyey waftigan ka socda somaliland.

- Waxaan la shaqaynaa dawlada somaliland iyo codsiyada nooga yimid in aan ka wada shaqayno sidii loo samaynlahaa ganacsi dhanka kaluunka, oo ah ganacsi xiiso leh, sidoo kale somaliland waxay leedahay bad dhararkeedu gaadhayo 80 miil oo u ku jiro kaluunka noocyada aduunka u wanaagsan, taaso ay ka ag dhawyiin tuulooyin iyo degmooyin ay ku noolyiin kaluumaysato, ayuu sheegay Michael Torstensson.

Sidoo kale waftigan somaliland ka yimid ayaa waxaay la kulmeen ergiga wasaarada arrimaha dibada ee dalkan sweden u qaabilsan arrimaha somalia iyo somalilandba Marika fahlen, iyadana waxaan weydiiyey kulankan ay la qaadatay waftigan somaliland ka socday iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen..oo aan khadka telefoonka ku tiigsaday goor ay ku sugnayd xafiiskeeda wasaarada arrimaha dibada.

Waxaan ka wada hadalnay waftigan arrimaha la xidhiidha doorashooyinka degmooyinka ee soo socda iyo xaalada ka qayb galinta haweenka saxada siyaasada sida looga qayb galin lahaa haweenka doorashooyinka baarlamanka iyo dagmooyinka, dawlada hoose ayaa ka mid ahaa waxyaabihii aan kawada hadalnay, ayey ii sheegtay, marika fahlen

Wafitigan ayaa waxa horkacaya caydarus sheekh adaan oo hore u ahaan jiray safiirka sweden somaliland u fadhiya, isagoon xafladan waftiga ku sugan ayaan waydiiyey wixii ay qabteen intii uu waftigu joogay.

Waxa isla goobtaas joogay saafiirka cusub ee somaliland roda elmi oo iyana aan isla goobtaas joogtay..

Mickeal torstensson oo ah madaxa shirkadan maal galinaysa somaliland ayaa ii sheegay in somaliland ay leedahay sharci adag oo xabsiga u taxaaba budhcad badeeda somaliya, isla markaasna ay wacantay in laga shaqeeyo kaluumaysiga si dhalinyaradu u hesho shaqo ay masruufkooda kala soo baxaan, ugana badbaadaan ku biirida budhcad badeedka.

Isla markaasna loo baabiin lahaa dhibka budhcad badeedka, arrinkaasi waa arrin ay dawlada somaliland qorshaysatay ayu sheegay Mickeal, intaasna raaciyey in somaliland ay leedahay macdan iyo shidaal, intaasna dheertay in dadyoow badani haystaan dhaqanka qaniga ah ee xoolo dhaqatada iyo beeralay wax beerata taaso ah waxyaabo badan oo wacan oomaal gashi lagu samayn karo macquulna ay tahay,

Micheal ayaa ii sheegay oo kale in ay jirto baahi loo qabo dhanka ganacsiga kaluumaysiga maadaamo somaliland ay jaar la tahay dalka itoobiya oo ay ku dhaqan yihiin 80 milyan oo qof oo suuqa kaluumaysigu xaami noqon karo, isla markaasna u wanaagsan ganacsatada Somaliland.

Kasim.abdulkadir@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista