Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Siyaasada Sweden

Dooda Baarlamanka Maanta Ee Xisbiyada

La daabacay onsdag 13 juni 2012 kl 09.10

Maanta ayaa waxa baarlamanka dalkan Sweden ka furmay doodii xisbiyada dalkan Sweden, taaso macnaheedu yahay in gudoomiyayaasha xisbiyadu ay dood la xidhiidha siyaasadooda ay goobtaas baarlamanka isku waydaarsan doonaan. Xisbiga mucaaradka ah ee sooshiyaal dimuquraadiga ayaa waxa doodan uga qayb qaadan doona Mikael Damberg, taas oo ah markii ugu horaysay ee u ka qayb qaato heerka dooda baarlamanka, maadaamo gudoomiyaha xisbiga sooshiyaal dimuquraadigu aanu ku jirin baarlamanka dalkan Sweden.

Xeerarka Dooda Maanta

Xisbi kasta hogaamiyahooda ayaa xaq u leh inu hadlo wakhti toban daqiiqo ah. Qudbada ama dooda ayaa waxa bilaabi doona raysal wasaaraha dalkan Sweden, Fredrik Reinfeldt.

Hoosta ka eeg sida loo kala horeeyo oo ah sida xisbiyadu u kala weyn yihiin.

1. Statsminister Fredrik Reinfeldt (M)

 2. Mikael Damberg (S)

 3. Åsa Romson (MP)

 4. Jan Björklund (FP)

 5. Annie Lööf (C)

6. Jimmie Åkesson (SD)

 7. Jonas Sjöstedt (V) 8. Göran Hägglund (KD)

Sidaas ayey u kala horeeynayaan gudoomiyayaasha xisbiyadu.

Doodan dhexmaraysa xisbiyada ayaa socon doonta wakhti gaadhaya shan saacadood.

Kasim.abdulkadir@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".