Foto: Jack Mikrut/Scanpix.

Dadka u doonta daryeelka caafimaad wadamada kale ee EU

Waxaa soo badanaya dadka reer Sweden ee daryeelka caafimaad u doonta wadama kale ee EU Kacdiina lacagta ay ku bixiyeen u dirsada Qasnada-caymiska (försäkringskassan). Sidaas waxaa muujinaya tiro koob cusob ee ay soo bandhigtay Försäkringskassan.

Dad badan oo ka raadsay daryeel cafimad dalka dibadiisa helanaya magdhowga lacagtii kaga baxday ayaa daryeelka caafimaad ee ay dalbadeen uu ku saabsanaa dhaawacyo iyo cuduro saameeyey indhahooda. Bukaan badan oo ka tagay Skåne ayaa utagay qaliin indhaha ah dalka Danmark.

2011 waxaa dalbaday daryeel caafimad oo helay magdhow 2731 qof oo daryeel caafimaad ka helay dal kale oo kamid ah EU. Qasnada-caymiska (försäkringskassan) ayaa u guday dadkaas lacag dhan 31,8 malyoon oo koron.

Xogta: TT

Warsame.elmi@Sverigesradio.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".