FOTO: ADRIAN DENNIS
OS

Xidigad Iswidhish oo ka baaqaneysa ciyaaraha Olombikada.

Xidigada reer Iswiidhan ee ciyaarta boodida dheer ee Karolina Klûft ayaa la sheegay in aysan ka qeyb qaadan doonin ciyaaraha caalamiga ee Olombikada ee jimcaha soo socda ka furmaya magaaladda London ee dalka Ingiriiska sida uu sheegay tababaraheeda.

Karolina ayaa joojisay ciyaar boodida dheer ah oo ay kaga qeyb galeysay dalka Finland Iyada oo tababaraheeda Oscar Gidewall uu sheegay in Carlina ay xanuun ka dareemaysa bawdada qeybta dambe waxuuna intaasi uu raaciyay ee xanuunka haya uu ka daran yahay mid horay u soo maray.

Sidoo kale ciyaaryahanad kale oo u dhalatay isla Iswiidhan lana yiraahdo Emma Green kana qeyb gasha ciyaaraha boodida sare ayaa iyana waxay joojisay tababarka sabab la xiriirta ciribta hoose lugteeda oo xanuuneysa hase yeeshee tababaraheeda ayaa ku faafiyay bogga xiriirka bulshada ee Twitter in xanuunka ka haya ciyaaryahanada ciribta hoose uusan aheyn mid halis ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista