Xuska Sannad-guuradii Xasuuqii Norwayd

Ilaa 50-60 kun oo qof ayaa ka qayb qaatay munaasabad shalay lagu dhigay Rådhusplatsen magaalada Stockholm oo lagu xasuusanayey xasuuqii jaziirada Utöya iyo weerarkii qaraxa ahaa ee loogeystay guriga dowladda magaalada Oslo 22 lulyo 2011.

 Ka qayb-galayaasha waxaa kamid ahaa hogaamiyaha xisbiga Soshiyaaldemokaratiga Stefan Löfven, waxa uuna laanta waraka ee Ekot u sheegay in uu aad ula dhacsanyahay sida ay Norwayd u maaraysay musibada 22-juli iyo weliba kartidooda ah in ay horay u socdaan.

Xuska sannad-guuradii ka soo wareegtay xasuuqii 22 juli ayaa si weyn ayana looga xusay shalay dalka Norwayd. Ra'iisalwasaaraha dalkaas Jens Stoltenberg oo goobta xuska lagu dhigayey ka hadlay ayaa yeri.

- Dhiigyacabku waa guul-daraystay, dadka ayaa guulaystay.

Stoltenberg oo ay grab socdeen qoyska boqortooyada Norwayd ayaa ubax dhigay guriga dowladda halkaas oo qarax uu Breivik dhigay ku dilay sideed qof.

Fanaanin caan ah ayaa ka qayb-galay xuska loo dhigayey dadkii ku nafwaayeey xasuuqa. Waxaana ugu caansanaa fanaaniintaas Bruce Springsteen oo goobta xuska lagu qabanayey ka qaaday heeska We shall overcome.

Xogta.Ekot

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".