Kaniin loo qaato in uu joojiyo fidista cudurka aids. Foto: Paul Sakuma/Scanpix
HIV

Caruurta dhasha iyo cudurka HIV

Sanad walba caruur gaareysa 370 000 ayaa qaada virus-ka dhaliya cudurka HIV xilliga dhalmada ee caruurtan iyada oo taasi micnaheedu uu yahay in caruurtaasi ay wajahaan halgan dheer oo xagga nolosha ah oo ay la galaan cudurkaasi iyaga oo cunaya dawooyinka sida joogtada ah loo qaato ee cudurka iyada oo dhinaca kale la doonayo in dawooyinka ka hortaga ee ay qaataan hooyooyinka uurka leh in ay caruurta kaga badbaadaan fidista cudurka aysan qaadin cudurka goorta ay dhalanaayaan.

Arrintan walaaca leh ayaa ka mid ah qoddobada lagu gorfeyn doono shirka caalamiga ee cudurka Aids-ka oo maanta ka furmay magaaladda Washington ee dalka Mareykanka.

Shirka ayaa sidoo kale laga filayaa in looga hadlo xaaladda dadka da'da yar ee uu hayo xanuunka Aids iyo xilliga la filan karo in dawo lagu bugsoon karo loo helo cudurka Aids oo cudur ay tacalaayaan malaayiin ku nool dunida.

Ergo gaareysa 25 000 oo qof ayaa la filayaa in ay ka qeyb gasho shirka cudurka Aids-ka looga hadlayo ee ka furmaya maanta magaaladda Washington iyada oo dhinaca kale ay tahay markii ugu horreeysay muddo tobanaan sano in shirka Aids-ka lagu qabto cariga mareykanka waayo xukuumadihii labada Bush iyo madaxweyne Reagon ayaa waxaa mamnuuc aheyd in qof sida cudurka HIV in uu galo Mareykanka iyada oo laga baqayay fidista cudurka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".