Booliska ayaa sheegaya in dabka uu yahay mid ula kac ah. Photo: Johan Nilsson / SCANPIX
Brand i Ystad

Guri mar kale lagu gubay degmada Ystad

Waxaa mar kale xalay uu dab ka kacay guri ku yaalla degmada Ystad ee gobolka Skåne iyada oo dabkan uu yahan kii shanaad ee lagu gubo mid ka mid ah guryaha ku yaalla degmadaasi muddo labo toddobaad gudahooda.

Sida ay sheegtay wakaalada warar Ekot booliska ayaa umaleynaya in markani ay suuragal tahay in dabka uu yahay fal dambiyeed si ula akc ah loo kiciyay.

Warar kale ayaa iyana sheegaya in reerka iska leh guriga la gubay xalay ay ku maqanyihiin fasax oo guriga uu ahaa cidlo hase yeeshee waxaa jirta cabsi ah in qof keliya uu ka dambeeyo dabka lagu gubayo aqalada ku yaalla degmada Ystad.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista