Julian Assange waxuu ku dhex jiraa safaarada Ekwador ee London. Photo: Scanpix.
Assange plus Garzon

Julian Assange oo qabsaday qareen caan ah

Aasaasaha hay'ada wararka sirta kashifta ee Wikileaks Julain Assange oo dacwad ka dhan ah ay taalo dalka Iswiidhan ayaa qabsaday qareenka sida aad ka dunida loogu yaqaan ee u dhashay dalka Spain Baltasar Garzon sida ay shaacisay Wikileaks.

Qoraal si wada jir ah ay u soo saareen Qareen Garzon iyo Assnage ayaa lagu sheegay in hadafka uu yahay sidii si wanaagsan loogu difaaci lahaa Wikileaks iyo Assnage hanaanka sida qalad ah u socda ee iyaga ka dhanka ah ee ay wadaan habka maaliyada caalamiga ka dib markii Assange uu kashaifay siro badan oo weji gabax ku noqday shirkado waaweyn iyo dowlado caalamka ku yaala.

Sida ay faafisay Wikileaks Garzon iyo Assange ayaa ku kulmay safaarada dalka Ekwador ee magaalada London halkaasi oo uu ku carary aasaasaha Wikileaks isaga oo dalbaday magangelyo siyaasadeed.

Julian Assange ayaa rabin in loo soo masaafuriyo Iswiidhan oo ay ka furantahay eedeyn ah in dumar uu ku faro xumeeyay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".