Idag fortsatte rättegången mot paret som misstänks för medhjälp till mordförsök. Foto: Billy Abraha

Maxkamad sii daayesay dad loogu shakisanaa isku day dil Imaam misaajid

Maxkamada degmada Ostersund ee waqooyiga Iswiidhan ayaa xorriyadooda dib u siisay labo nin oo ka soo jeeda magaalada Malmö kuwaasi oo loogu shakisanaa in ay gacan ka geysteen isku day dil oo loo geystay Imaam misaajid ku yaalla magaalo ka tirsan gobolka Jämtland.

Dacwad oogaha lagu magacaabo Krister Peterson ayaa ku micneeyay kiiska ka dhanka ah labadan nin in ay gacan ku siiyeen qofka isku dayga dilka u geystay imaamka in uu ogaado meesha Imaamka ku noolyahay ayna gacan ku siiyeen hoy iyo gaadiid balse maxkamada ayaa u aragtay in dacwad oogaha uusan keenin caddeyn ah in ninka ay caawiyeen labada ruux ee hadda la sii daayay in uu isla qofka toogtay Imaamka.

Maxkamada ayaa sidoo kale u aragta in aysan jirin caddeyn muujineysa in labadan qof ee la sii daayay in ay damacsanaayeen wax qorshe marka ay caawinyeen ninka kale ee la sheegayo in ku caawiyeen hoy iyo gaadiid.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista