Bulgariska bärplockare utanför Bulgariens ambassad i centrala Stockholm. Foto: Fredrik Persson/Scanpix
Bärplockarna

Bulgaariyaankii oo laga qaaday Iswiidhan

Saddex bas oo ay saaranyihiin 150 qof oo ah bulgaariyaanka miraha gura ayaa shalay ka tagay magaalada Stockholm iyada oo la filayo in dadkaasi ay gaaraan dalkooda habeenka sabtiga soo galayo.

Muwaadiniinta Bulgaariyaanka ayaa ku xayirnaa dalka Iswiidhan dhowaanahanba iyaga oo markii hore u yimid in ay ka shaqeystaan miraha la guro xilliga xagaaga dalka Iswiidhan ee laga sammeeyo cabitaanada iyo malmalaada hase yeeshee sanadkan ayaan bixin miro badan iyada oo dhinaca kalana qofka keenay uu u sammeeyay balan qaadyo been noqday oo ahaa in ay heli doonaan hoy iyo lacag fara badan.

Waxaa weli Iswiidhan ku harsan ilaa sideed ruux oo ah Bulgaariyaanka markoodii hore u yimid miro gurida iyada oo la sheegayo in ay ka waayeen boos ay ka raacaan basaska shalay tegay.

Sida ay sheegtay Brita Mohlin oo ah madax ka tirsan maamulka magaaladda Stockholm sideedan ruux ee hartay ayaa maamulka degmada Stockholm waxuu siin doonaa cunto iyo meel ay ku hoydaan inta laga xalinayo qaabka ay ku aadi lahaayeen dalkooda.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".