Julian Assange. Foto: Kirsty Wigglesworth/AP
Assange

Ecuador oo dalb la xirrira Assange u soo gudbisay Iswiidhan

Dowlada Ecuador ayaa ka dooneysa Iswiidhan damaanad ah in Julian Assange aan loo gacan gelin dooniin dalka Mareykanka marka ay dhammaato maxkamadeynta eedeymo kufsi oo Assange loogu heysto dalka Iswiidhan sida uu soo qoray waregeysa SVD oo soo xiganaya jariirada ka soo ka soo baxda dalka Britain ee la yiraahdo the Guardian.

Sida ay sheegayaan ilo wareedka wargeyska Ingiriiska dibolomaasiyiin ka soo kala jeeda Ecuador iyo Iswiidhan ayaa yeeshay kulan ku aadan arrinta.

Julian Assange ayaa ku dhex jira safaaradda dalka Ecuador uu ku leeyahay magaaladda Lodon tan iyo 19 kii Juun isaga oo magan gelyo siyaasadeed oo ku qotonta axdiga Q.M ee xaquuqda aadanaha ka dalbaday dalkaasi.

Sida laga soo xiganayo ilo Dibolomaasiyadeed Ecuador ayaa ka dalbatay xilli hore dowladaha Ingiriiska iyo Iswiidhan isla damaanadan balse wax jawaab kama aysan helin dalabkeeda.

Dowlada Ecuador ayaa imminka sidoo kale weydiin doonto xukuumada Washington haddii dalka mareykanka uu ka socda dacwado ka dhan ah Julian Assange oo horseedi kara in Assange loo gudbiyo Mareykanka.

Shalay ayay aheyd markii wasiirka arrimaha dibeda ee dalka Ecuador Ricardo Patiño uu u sheegay warbaahinta in go'aanka dalkiisa ee dalabka magan gelyo ee Julian Assange uu soo bixi doonaan ka hor inta aysan dhammaan ciyaarayaha Olombikada ee magaaladda London.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista