Dhaqtarka ayaa ka howl gelayay cisbitaalka caruurta ee Astrid Lindgrens. FOTO: YVONNE ÅSELL / SVD / SCANPIX
Läkare valdtog kollege

Dhaqtar kufsaday qof kala shaqeynayay Cisbitaal

Dhaqtar ka shaqeeynayay cisbitaalka caruurta ee Astrid Lindgrens ayaa la xiray iyada oo loogu shakisanyahay in uu kufsaday oo uu garaacay qof kala shaqeynayay isla cisbitaalka, dhaqtarka oo labo maalimood baxsad ahaa ayay markii dambe booliska ay u suuragashay in ay qabtaan oo ay xiraan.

Dhaqtarka ayaa loo heystay dacwada ka hor inta aan gacanta lagu dhigin ka dib markii qofka kala shaqeynayay cisbtaalka uu ku soo dacweeyay kufsi iyo labo kiis oo ah gacan saar.

Booliska ayaa ugaarsanayay dhaqtarka muddo labo maalin ah ka hor inta aysan gacanta ku dhigin iyada oo haddana xabsiga loo dhigay isla eedeyamaha loo soo jeediyay.

Fal dambiyeedka ayaa waxuu ka dhacay cisbitaalka caruurta Astrid Lindgren ee ku yaalla degmada Solna iyada oo cisbitaalka qudhiisa uu xaqiijiyay arrinkan waxuuna wargeyska Aftonbladet ee warka laga soo xigtay uu sheegayaa in qofka uu kufsaday oo gacan qaaday dhaqtarka uu yahay qof kalkaaliya ahaan ugu howlgala Cisbitaalka.

Sida ay ku waramayaan ilo ku dhow dhow baaritaanka socda shaqaale kale oo ka howl gala cisbitaalka ayaa goob joog ahaa marka uu dhacayay kufsiga.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".