pension
Pensionsgruupen

La socoshada lacagta howlgabka

Xisbiga Bay'ada ayaa doonaya in uu ka mid noqdo oo kursi ka helo guddiga dowlada ee la socdka hanaanka howlgabka sida ay ku soo qortay wargeyska DN boggiisa xagga doodaha Gunvor G Ericson oo ah madaxa xubanaha xisbiga kaga jira aqalka baarlamanka.

Maanta jimca ah ayuu xisbiga u dirayaa codsiga arrintan ku aadan wasiirka ceymiska bulshada.

Kooxda la socodka lacagta howl gabka ayaa ka kooban wakiilo ka kala cocda afarta xisbi ee isbaheysiga talada haya iyo xisbiga Social dimoqraadiga waxaana ku jirin xisbiga Bay'ada oo maanta ah xisbiga saddexaad ee ugu weyn baarlamanka sida ay sheegtay Ericson.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".