Saadaasha qaxootiga Iswedhen imaadaan doona oo kor loo qaaday

Dhaqaalo xumada iyo mashaakilka aduunka ka taagan ayaa sabsab u noqonaya in sannadyadaan soo socda ay kororto qulqulka qaxootiga. Sidaas waxaa saadaal ugu gubiyey dowladda hay’ada socdaalka ”Migrationsverket”. Qalalaasaha ka taagan Suuriya ayey hay’ado aaminsan-tahay in ay raad weeyn ku leehaday qaxootiga badanaya.

Saadaasha hay’ada oo sannadkaan ahayd 34 000 oo qof in ay imaan doonaan Swedhen ayey hay’ada hada kor u qaaday oo gaarsiisay 38 000 oo qof. Sannadka ku xiga ayey hay’ado saadaalinaysaa in ay imaan doonto 41 000 oo qof halkii ay markii hore ahayd 33 000 oo qof kaliya.

Waxay hay’ada sidoo kale saadaalinaysaa in caruurta kaligood imaada ay kordhi doonto oo gaari doonto 3 400 oo caruur ah sannadkaan gudihiisa taas oo waxbadan ka badan intii ay hay’ado filsay.  

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".