Foto: Jessica Gow/Scanpix

BNP:ga Iswedhen oo kordhay

Isku geyska hantida dhaqaale ee la yiraahdo BNP, bruttonationalprodukt ee Isweedhen ayaa korortay boqolkii 2,3 sadexdii bilood ee ugu danbeysay marka loo barbardhigo xiligaan sannadkii hore. Sidaas waxaa muujinaya tirokob ay soo bandhigtay xaafiiska dhexe ee tirokobka SCB.

Waxaa kaloo kordhay dadka haysta shaqada boqolkii 0,4, halka iskugeyn saacadaha shaqado aysan waxba iska badelin. Waxaase isdhimay importiga ama waxa Isweedhen loo soo dhoofiyo taas oo hoos u dhacday boqolkii 0,2. Sidoo kale waxaa kordhay wax soo gadashada qoyska boqoklkii 0,8 sadexdii bilood ee ugu danbeysay, halka qarashaadka dowladda ka baxaa ay korortay boqolkii 2,7.

Xogta: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".